Abubakar Maxamed bin Siriin Al-ansaari, oo ahaa Basra, Hooyadii waxaa la oran jirey Safiya. Waxaa uu ku dhashay magaalada Basra sanadkii 33aad ee Hijriyada, wa Imaam fiqiga, axaadiista, Tafsiirka Quraanka iyo cabiraadda riyada intaba ku fiicnaa waxaa uu ahaa taabici ku soo gaarey ashaabta kana wariyey axaadiis fara badan.